Sheekh Shariif iyo Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka wadahadlay arrimaha Siyaasadda dalka.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa magaalada Mudisho kulan kula qaatay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheikh Axmed.

Guddoomiye Cumar Filisha ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweyne Sheekh Shariif .,iyagoo kawada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Labada mas,uul ayaa isku soo qaaday amniga Caasimada iyo dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa diidan muddo kordhintii Golaha shacabka u sameeyeen ha’adaha dowladda, kuwaasi oo ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay sidii loo qaboojin la haa xasaradaasi, si magaalada amnigeeda aysan u saamayn.