Maxay tahay sababta ay Wasaaradda Waxbarashada dib ugu dhigtay Imtixaanka dugsiga sare?

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay imtixaanka Shahaadia ah ee dugsiga sare.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc.Dib u dhacaan oo ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka,” ayaa war-saxaafadeedka lagu yiri.

Wasaaradda waxay sheegtay in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021.