Farmaajo “Culimada waa inay hormuud u noqdaan xasilinta iyo nabadeynta dalka…”

Muqdisho:-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada kulan afur ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ‘dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna’ kuwaas oo uu sheegay in looga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladda.

Sida lagu sheegay qoraalkan Madaxweyne Farmaajo ayaa culimada ka codsaday inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta iyo nabadeynta dalka.