Waxaan soo Dhaweynayaa Labadan arrin.=Aqri Faaladaan=

1. in Ciidamada Magaalada laga saaro.
2. in Danjiraha Cusub ee Ethiopia warqadihii laga gudoomay.
☆ Waan soo dhaweynayaa in Ciidamada laga saaro Magaalada, taa oo qeyb ka noqon karto xasiloonida Guud ee Magaalada, waana Talaabo ey ka muuqato Cadaalad.
Sug sug khalad ha u fahmin, waa kuwee Ciidamada Magaalada laga saarayo?. waa kuwii hore u joogay Magaalada waa in iyagana markooda loo diraa Furumaha Dagaalada, la iskuna bedelaa Ciidamada.
intii Ciidamadan Cusubi ey Magaalada soo galeen, waxaa yaraaday Qaraxyadii iyo Xasilooni daradii. sidaa daraadeed waxaan soo dhaweynayaa in Magaalada laga Saaro Ciidamadii Hore u joogay, laguna Bedelo walaalahooda Muddo ku maqnaa Furunta ee ku soo noqday Magaalada si ey Sharciga iyo kala Dambeynta u soo Celiyaan, waxaa kale oo ey soo celiyeen Xuriyadii Dastuuriga aheyd ee Dadku ey Xaq u lahaayeen in Aragtidooda ey ku muujiyaan Banaanbax Nabadeed, taa oo aan Hortood jirin. waana in aan dhinacna la isku dayin in Hubka looga dhigo si Sharci daro ah. ( F.S: 1,2 &3aad).
☆ waxaan soo dhaweynayaa in Danjire Cadbifataax Abdullahi Xassan oo ahaa Danjirihii hore ee Ethiopia u joogay Dalka Kuwait in hadda loo soo magacaabay Somaliya. Maantana uu warqadihii Aqoonsiga uu ku wareejiyay mid ka mid ah Madaxweynayaashii hore, kuwa kalena waxaan filayaa in uu u geey doono. ( F.S: 4aad).
Sharciga Caalamka ayaa qabo in Warqada loo geeyo Laba madaxweyne. a) Mid Markaa xilka si Sharci ah u hayo. b) iyo Mid Doorasho looga guuleeystay laakin weli aan Xilkii wareejin.
Somaliya Labadaasiba kama jiraan. Markaa weli waxaa furan Laba tilaabo oo Sharciga Caalamiga ahi uuna Dambi u arkeyn. Dowladaha qaar ayaa yiraa waxaan u geeynayaa Warqdaha Ciddii aan danteena u aragno Qof ama koox siman. Qaarna waxa ey yiraahdaan waxaan sugeyaa inta Dalku uu ka yeelanayo Madaxweyne Sharci ah.
Labadaa talaabo ee sare ku xusan Sideed u fahamtay?
Arragtidaada xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax.
Waan ku faraxsanahay in aan arko commentiyadiina iyo aragtiyadiina u kala duwan sida muuqaalkiinu u kala duwan yahay. waxaan ka faa’iidayaa wax badan oo ah ogaal aqooneed sida aad u firlkirtiin kuwa yiraa, dhinac ayaad u rarantahay,kuwa yiraa waad saxantahay, aqoon yahan ayaa sidaan u hadlayo kuli waa jawaabo i anfacayo.kkkkkkk..
Qore: Yahya Amir