RW Rooble oo guddi u saaray ciidamada Muqdisho soo galay iyo xaladda cakiran ee Muqdisho.

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka kooban 11 xubnood, kuwaas loo xil saaray inay ka soo tala bixiyaan dhabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo saameyntii ay reebeen.

Guddigaan oo isugu jira xildhibaano iyo wasiirro ayaa guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga xukuumadda Rooble Xasan Xundubey Jimcaale, waxaana waajibaadkooda lagu soo koobay seddax qodob oo kala ah.

1 –Xallinta caqabadaha saameeyey ciidanka ee ka dhashay arrimaha siyaasadda.

2 –Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay magaalada Muqdisho.

3 –Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay magaaada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddigaan faray in howshaan loo xil-saaray ay ku soo gabagabeeyaan mudo 5-cisho ah, waxayna xubnaha guddigaas kala yihiin.

1 – Wasiirka  Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye

2  –Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax   Xubin

3  –Wasiirka  Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji    Xubin

4  –Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin

5 –Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin

6 –Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla   Xubin

7 –Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid   Xubin

8 –Senator Dhagey Geelle Ugaas  Xubin

9 –Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer)   Xubin

10 –Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur  Xubin

11 –Xildhibaan Mahad Salad  Xubin