Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay wasiir cusub.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray wasiirkan cusub ee uu la magcaabay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareego xilkiisa, una dar dargeliyo howlaha xukuumadda horyaalla.

Wasiirkii hore ee wasaaradaan Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Oomaar ayaa iska casilay isagoo aan xilka la wareegin, kadib markii laga soo wareejiyey wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo uu wasiir ka ahaa mudo afar sano ah.