RW Rooble ”Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa…”

MUQDISHO:-Guud ahaan 3 bisha MAY waxa dunida looga dabaal degaa maalinta Xoriyadda SaxaafaddaAduunka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya ayaa u diray Saxaafadda Soomaaliyeed fariin Hambalyo ah.

RW Rooble ayaa ayaa hadalkiisa ku bilaabay ”Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.

Xukuumaddaydu waxa ay ka shaqaynaysaa in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmaya Saxaafadda ayaa yidhi,Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu gelayo xaallad doorasho, taas oo saxafiyiintana saaraysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.