Midowga Yurub oo ka hadlay ciidamada isku hor-fadhiya gudaha magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militeriga ah ee ka tirsan dowladda Soomaaliya, isla markaana taabacsan mucaaradka laga saaro gudaha magaalada Muqdisho.

Qoraal uu Danjire Nocolas Berlanga soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in magaalada Muqdisho aysan xamili karin ciidamo kala qaybsan, kuwaas oo qaarkood aan ku shaqeyn amarrada talisyada ciidamada Qaranka.

“Militeriga in laga saaro magaalada Muqdisho waa muhiimada koowaad ee haatan, dadka doonaya inay cayaaraan kaalin wanaagsan oo ku aadan doorashada waa inay ra’iisul wasaare Rooble ka taageeraan shaqadan muhiimka ah. Magaalada Muqdisho in lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo leh talis ka baxsan qadka talisyada guud ma caawineyso shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nocolas Berlanga.