Madaxweynaha K/Galbeed oo ku soo wajahan Magaalaada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho

Ujeedka safarkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay inuu maanta ka qeyb galo kulan ay madaxda dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ay la leeyihiin wafdiga ka socda dowladda Qatar.

Kulanka ayaa looga hadli doono sida loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashada iyo dib u dhaca ku yimid.

Wafdiga ka socda Qatar ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho.