Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle,Koofur Galbeed iyo Wafdiga Qatar oo kulmaya.

Waxaa maanta lagu wadaa in Ergeyga Gaarka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowlada Qatar u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” iyo dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani uu kulamo la qaato Madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in ergayga uu dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan madaxda Soomaalida, si loo dhameeyo khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saacadaha soo aadan la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu maanta kaga qeyb galo kulanka uu ergayga Qatar la leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada.
Wafdigaan ka socda dowladda Qatar oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa bilaabay dadaallo ku aadan xal u helidda khilaafka doorasho ee hareeyey Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergaygan wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani iyo xubnaha diblomaasiyiinta ah ee ku wehliya safarkaan. Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay gooni gooni ula kulmeen guddoonka labada Aqal ee baaralaamka Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka, sidoo kale xoojinta xiriirka labada dowladood ayaa lagu soo hadal qaaday kulamadii dhacay.