CiidamadaXoogga oo Howlgal ay ka sameeyeen Bay iyo Bakool ku soo qabteen Maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Baydhaba:-Wararka aan ka heleyno gobollada Bay iyo Bakool ee maamulka K/Galbeed waxay sheegayaan in howlgallo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka qeybtiisa 60-aad lagu soo qabtay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah,Toos-wiine,  Eel-Dhuun, Adeegow iyo inta u dhaxeysa degmada Waajid ee gobolka Bokool iyo degaanka Goofgaduud-Buurey  ee gobolka Bay.

Saraakiilsha militeriga Soomaaliya ee hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in nolosha lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deeganada ay ka fuliyeen howlgalkaas.

Sidoo kale saraakiishu waxay sheegeen in qorshaha howlgalkaasi uu ahaa mid wado furis ah, isla markaana ay sii wadi doonaan.