Caalamku muxuu ka bartay Somaliya?.=Magaca Garanuug.!!!. Nuuc ka mid ah Cowsha=.

Kalmadda Sokor waxaa laga bartay Carab. kadibna siyaabo kala duwan ayaa loogu dhawaaqay, sida: Shugar, Sakharo, Shugaro.
Hindida waxaan ka baranay, Kamadaha: Shufeer, Rooti, Asgari. Sawaaxiliga waxaan ka baranay, Kalmadaha Kumi oo ah Toban iyo Taano oo ah Shan.
Annaga Maxaa nalaga Bartay?
Magaca Garanuug, oo ey ugu dhawaaqaan Gerenuk laguna Naaneeso “Giraffe Gazelle” Cowl Giri. Markii ugu horeysay waxaa Sharaxaad ka bixiyay Habka ey u nooshahay, Khabiir dhinaca deegaanka ah Mr. Victor Brooke Snnadkii 1879 oo yiri: waa xayawaan cajiib ah oo Somaliya ku nool.( F.S: 1-4aad).
Kadibna Mr. Friedrich Kohl ayaa Sannadkii 1886 soo jeediyay in Xaywaankaa ku cusub iyaga iyo “World Zoo” la siiyo magaca Somalidu u taqiin ee Garanuug- Gerenuk. waxaana si caalamiya magacaa loogu diiwaan galiyay Buugaagta Cilmiga xayawaanka Sannadkii 1897dii.
Qaamuusyada Caalamka waxaa ku qoran magacaa iyo in uu Somali ka yimid Asalkiisu.
Sida ku qoran: British English Dictionary ( East African Antelope with a long thin Nech and back ward curving Horns.the ward origin Somali.
American English Dictionary waxaa ku qoran: Small Antelope with long legs and long neck from east Africa .the word Origin Somali.
Meelaha Xayawaanada lagu Xareeyo ee loo yaqaan “Zoo “, Xadiiqatul Xayawaan, halka Xayawaankani ku jiro, Caalamka oo dhan waxaa ku Qoran Gerenuk oo ah Kalmad Caalamku uu qiray in asalkeedu uu Af Somali yahay eyna ka qaateen Luqadeena.
kalmadee kale ayey naga qaateen Caalamku ?
Qore: Yahya Amir