Suurgal ma tahay in la heshiiyo oo doorasho la qabto?

Khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya muddo ayuu taagnaa iyadoo shirar badana dhinacaydu ka yeesheen balse lagu heshiin waayay hannaanka doorashada wuxuuna ismari-waagu keenay in beesha caalamku ay caddaadis saarto madaxda Soomaalida, maadamaa muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday bishii Febraayo ee sanadkan.

Dadka arrimahaan sida dhow ula socda ayaa qaba in cadaadiska hadda saaran madaxda dolwadda federaalka, mamaul goballeedyada iyo mucaaradka uu khasbayo in aaney furneyn wadda kale oo ah in doorasho la aado taasi oo saldhig u noqon karta xasilooni siyaasadeed oo dalka Somaaliya ka hirgasha.

“Cadaadiska saaran dhinacyada Soomaalida awgood suuragal ma ahan qorshe aan aheyn doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September oo daraadeed looga soo noqday muddo korarsiga labada sano ahaa in la qabto waxaan aheyn ama la qaban waayo midna suurgal maaha” ayuu yiri Jibriil Cali Aw-Maxamed.