QM oo war ka soo saartay go’aankii lagu laalay mudo kororsiga.

Muqdisho:-Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay xildhibaanada golaha shacabka ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

United

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale madaxda ugu baaqday in dib loo bilaabo wadahadalladii doorashooyinka, iyadoo qoraalka QM lagu soo dhaweeyey doorka doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaramada Midoobay waxay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida inay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan, iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Qaramada  Midoobey.