Qaxotiga Soomalida ee Kenya oo loogu baaqay inaysan walwelin.

Ergeyga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ugu baaqay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha Kenya in aysan ka walwelin go’aanka ay xukuumadda Nairobi ku xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Dajnire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in hay’adda UNHCR iyo Kenya ay ka wada shaqeynayaan sidii xal logu heli lahaa dadka qaxootiga ah ka hor inta aan la gaarin xilliga loo qabtay in albaabada loo laabo xeryaha. Ergayda ayaa u warramay weriyaha BBC Axmed Badar.