Akhri Sadarada dhaxdooda. Read between the Lines.+Faallo=

Waxaan Hambalyeynayaa, wixii wanaag ah ee looga hortagayo Colaad laguna helayo Heshiis loo dhan yahay.
Markii aan Baranayay ,ama Ardayda aan Barayay ama aan ku shaqeeynayay Maadada Cilmi Baarista ” Research Methodology ” waxaa jiro Hab cilmi ah oo la raaco oo ah in aad ka fikirto dhamaan wixii suuragal ah, oo aad ururiso “Primary Data” iyo “Secondary Data”
wixii aad Baaritaankaaga ku heshay iyo wixii hore u dhacay ama la qoray ee Arrintaan la xiriiro, Kadibna aad u gudubtid in aad Furfurtid waxa kuu soo baxay oo Qaab Cilmi ah aad u soo gudbisid.
Waxa kuu soo baxo, dib ayaa loo sii baari karaa, iyada oo asaas laga digayo Habhii aad isticmaashay.
Is Barbar dhig, Heshiiskii 17 Sept. 2020 iyo kii 1da May 2021.
A) Qodobada Heshiiskii 17 Sept.2020 waxaa ka mid ah:
1.Dowladda Federaalka ah ayaa magacaabee Guddiga Doorashada Heer Qaran.
2. In Doorashada Dowlad Gobaleed kasta lagu Qabto Labo Magaalo.
3. Xubnaha Aqalka Sare waxaa soo Xulayo Baarlamaanada Heer Gobal. ( Baarlamaanada Heer Gobal qaarkood Sharci ma lagu dhisay Laftooda?).
4. Xubnaha Somali land ee Labada Aqal waxaa soo xulayo Ergo, waxaana lagu dooranayaa Mogadishu. (Lama sheegin Ergada lafteeda yaa soo xulayo, Gobalada Sool iyo Sanaag, ma deeganka Somali land ayaa loo aqoonsanayaa, mise Punt land ayaa soo xulee oo haddaba Baarlamaankeeda ey Xubno ka yihiin).
5. Qorshaha Doorashadu waxa uu bilaabanayaa 1da Nov. 2020,( waa la soo mooday, muddo kalena lama sheegin).
6. Amniga Doorashada waxaa wada qabanayo Heyadaha Federaalka iyo kuwa Maamul Gobaleedka. ( Heyadaha Frderaalka, Gobalada qaar Laguma kalsoono).
7. Heshiiska Siyaasadda waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka.( waa laga Reebay Aqalka Sare, waxaa sii dheer Hadda Labaduba ma jiraan oo Sharciyad male).
8.Xuriyadda Hadalka iyo Saxaafadda lagama hor istaagi karo Goobaha Doorashada. ( Hadda Xur ma yihiin, Amaaba Aniga lafteyda, Arragtideeydaan la igu eedeeyaa).
😎 Go’aanadii 1da May 2021.
waxa la leeyahay waa laga Noqday, waa wax aan Markii horeba jirin oo aan sharci aheyn, waxa ka noqonayo waa Baarlamaan wakhtigiisii Dhamaaday, iyo Madaxweyne Hore, Kidib markii Caalamka iyo Shacabkuba diideen.
1. Lama sheegin waqtiga Doorashada la qabanayo, waxa ey si Dadban u jiitami kartaa muddo 2 Sanno ah.
2. Si cad looma dhihin, ku darsigii ayaa laga laabtay.
3. Madaxweynihii hore Xilka ma wada wareejin, mana sheegin in isaga iyo Baarlamaanku ey Sharci ahaan yihiin kuwa hore.
4. waxaa muuqato in weli Taliska Xooga Dalka, Police ka, NISA iyo Asluubtu ey ka Amar qaadanayaan, mid ka mid ah Madaxweynayaashii hore. Ra’iisul wasaaruhana Amniga doorashada oo kaliya uu ku egyahay, Sida lagu sheegay khudbadii 1da May 2021.
5. Doorashada Amnigeeda, ma waxaa ilaalinayo Police Garuumo wato, mise Ciidan si gaar ah loo leeyahay, Bacdamaa aan la is Aaminsaneyn.
6. Sida uu qabo Heshiiskii 17 Sept.2020. Saamileyda Siyaasadu kama qeyb galayaan Shirka Teendhada, Madaxdii horena ma rabaan in ey ka soo qeyb galaan. Maantana lama sheegin Doorkooda, iyada oo ey muuqato Saameynta iyo Awooda ey leeyihiin Saamileydu.
7. Ciidamada Magaalada soo galay, ee la leeyahay Xeryahooda ha ku noqdeen, qaarkood markii horeba Xero kama imaan, Sababtii ey u yimideena weli waa taagan tahay.
8. Dagaaladii ka dhacay Magaalada waxaa si Dadban loogu eedeeyay, Mucaaradka oo iyagu ah Dhibanayaal Guryahooda lagu weerarary.
9. Lama Sheegin in Dhibaatadii dhacday, uu sabab u ahaa Go’aankii 12 April2021, Eedana waxaa lagu wareejiyay oo si dadban Dusha looga saaray Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo isagu meel mariyay.
10. Masuuliyiinta qaar waxa ey rabaan in ey Teendhada soo Fadhiistaan iyaga oo sheeganayo Masuuliyad aan jirin Sharciyan oo wakhtigeedii dhamaaday. waxaana ka dhalanayo Dood kale.
11.Masuuliyaddii Dadkii ku dhintay dhacdooyinkii Magaalada iyo Hantidii ku burburtay masuuliyadeeda meel lama saarin. la ismana weydiin Dhaqaalaha Dowlada yaa isticmaalayo, Haddii hantida Qaranka koox gaar ihi u isticmaasho doorashada sidee laga yeelaa.
12. Go’aanadii AU iyo Doorkii dhaxdhaxaadinta ayaa meesha laga saaray.
13. Dood ayaa Cilmi Baarayaasha qaar ka qabaan Halkii uu ku dhashay Madaxweynihii hore.
14. Amaanka doorashada, Gobalada qaar lagama soo celin Ciidamadii hore loo geeyay ee Lagu eedeeyay in ey Xoog ku isticmaalaan Doorashadii heer Gobal iyo Maamuladii hore Halkaa uga jiray.
15.Madaxda wakhtigeedii dhacay ee weli ku lugta leh, Doorashada, Laguma Aqoon in ey fuliyaan wixii ey ballan qaadaan.
16. Madaxweynihii hore ma cadeeyn in uu Musharax yahay iyo in kale. Haddii uu Musharax yahay, Howlaha qaar ma qaban karyo.
17. Lama sheegin in Ra’iisul wasaaruhu uu Saraakiisha Dowladda, xilka ka qaadi karo ama magacaabi, Awooda oo Hore ku koobneyd Madaxweynaha.
18. Go’aanadii Maanta 1da May 2021, ma jiro wax qoraal ah oo ka soo baxay oo lagu saleeyay qodobo Dastuuri ah ama Sharci ah iyo Cid saxiixday Go’aanadaa oo loo racanayo haddii laga leexdo.
19. weli dhinacyada Somalida waxaa ka muuqdo is aamind la’aan. gaar ahaan Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, iyada oo aan la xalin wixii hore la isagu khilaafay, welina qaarkood ey leeyihiin Federaalku shir nooguma yeeri karo. welina ma cado mowqifka Saddaxdii Maamul Gobaleed iyo Gobalka Banadir. kuwaa oo mucaaradka iyo Dadka deegaanadoodu ey Aamin sanyihiin in eyna matalin.
20. Awooda Madaxweynihii hore iyo tan Ra’iisul wasaaraha oo si cad aan loo kala saarin waxa ey keeni kartaa, isku dhac ama in Midkood awoodiisa lala isticmaalo, marka la dejinayo qorshaha shaqo, taasi waxa ey si cad uga muuqatay Khudbadii Madaxweynihii hore, oo ey ka muuqatay siyaaba badan oo shuruud la’aan uu u hagi karo doorashada.
Gunaanad
Cilmi baaristaa kooban iyo Arragti wadaagaa, ha u qaadan in aan Xaaladda ku fogeynayo ama aan Xalka diidanahay, ee waa “Research Analysis” waa khaldanaa kartaa waana saxnaa kartaa. Marka arrimada ummaddaha la dersinayo waxaa laga fiiriyaa dhinacya badan, si loo ogaado Talaabo kaasta oo la qaado waxa la dhalan karo xumaan iyo wanaag.
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax,wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir