Wafdi ka socda dowladda Qatar oo maanta ka degay Hargeysa,lana kulamay Muuse Biixi.

Hargeysa:-Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland, kaas oo haatan madaxtooyada kulan gaar ah kula leh madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wafdigan ka socda dawladda Qatar waxaa hogaaminaya ergeyga gaarka ah ee wasiir arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Afrika.

Qoraal lagu baahiyey bogga TV-ga Somaliland ayaa lagu yiri, “Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku qaabilay maddaarka caalamiga ah ee Cigaal airport wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Qatar oo uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan wasiir arrimaha dibedda arrimaha Africa. Soo dhawayn iyo kulan kooban kadib wefti waxa si toos ah loogu soo gelbiyey Qasriga madaxtooyada halkaas oo ay kulan kula qaadan doonan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”