Wabiga Shabeelle oo fatahaad Cusub ka sameeyay Deegaano hoos taga Magaalada Jowhar.

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad Cusub ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyada oo fatahaada saameyn weyn ay yeelatay.

Wabiga ayaa waxaa uu ka fatahay deegaanka Moyko oo hal km dhinaca Koofur Bari ka xiga magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in uu gooyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in fatahaada uu saameyn ku yeeshay qoysas dan yar ah oo ay Biyo Galeen Guryahooda oo ku yaal meel u dhow Koontoroolka Koonfureed ee Magaalada Jowhar, halka sidoo kale Beero farabadan uu saameyn ku yeeshay fatahaada.

Qaar kamid ah dadka Magalada Jowhar ayaa waxaa ay bilaabeen nay ka barakacaan xaafadaha uu Wabiga Shabeelle ka fatahayo si uusan saameyn ugu yeelan, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in uu baabi’iyo dalagyada Beeraha.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay uga hortagayaan in uu sii faafo fatahaada Wabiga Shabeelle, isla markaana uu saameyn ku yeeshay Guryaha ay dadka degan yihiin iyo Beeraha.