RW Rooble “Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed..”

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhambaal hambalyo ah diray shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta shaqaalaha Adduunka awgeed oo ku asteysan maanta oo kale 1-da bisha May.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo munaasabadda maalinta shaqaalaha Adduunka awgeed hambalyo u diray shaqaale-weynaha Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaqaalaha iyo qoysaskooda u rajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.