Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Walaal Xuseen, ALLAHA u Naxariistee waxa uu kamid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaano Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, balse Caawa ayaa tiisa soo gashay waxaana gacan ka xaqdaran ay ku dishay Saacad ka hor Tuulada Delft, xilli uu saarnaa gaarigiisa oo hor yaalay Dukaankiisa.

Dablayda dilka gaysatay, ayaa durbadiiba isaga cararay goobta ka hor intaysan soo gaarin Gawaarida Booliska oo isku gadaamay agagaarka dilku ka dhacay.

Lama oga ilaa iyo hadda ujedada dilkiisa.

Abdulrazak IndhaJaceyl