Maraykanka oo soo dhoweeyay go’aankii madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka

Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayey ku soo dhoweysay go’aanadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ficillada maanta ay qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.”

Waxay sidoo kale soo dhoweysay doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku hirgelinayo doorashada Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.”

U.S. Embassy Mogadishu, Somalia

@US2SOMALIA
Official tweets from the U.S. Embassy Mogadishu, #Somalia. Please see our Terms of Use: so.usembassy.gov/embassy/mogadi
Mogadishu, Somaliaso.usembassy.govJoined February 2010