Guddoomiyaha G/Hiiraan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Booqday Degmadda Feer Feer.

Muqdisho:–Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha gobolka hiiraan Cali Jeyte Cisman, ayna  qayb ka ahaayeen  saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudomiye ku-xigenka  amniga gobolka hiiraan ,Xunbo ka tirsan Gollaha wasiiradda maamul Goboleedka hir-shabeelle, Taliyaha qaybta Booliska gobolka hiiraan,ayaa si diiran loogu soodhaweeyay degmada feer-feer ee gobolka hiiraan  waxaana afafka hore ee degmada  kaga horyimid maamulka degmada feer-feer iyo shacabka degmada ku dhaqan .

Waxa la filaya saacadaha soo socda in uu u bilowdo kulan laga arinsanayo  hormarinta degmada iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka.

Gudoomiyaha gobolka ayaa inta uu ku sugan yahay degmada fee-feer waxa uu xariga ka jari doonaa mashraariic  hormarineed oo degmada laga hergeliyay.