Ciidamada Dowladda oo burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada.

Muqdisho:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa manta howlgal qorsheeysan kasameeyay degaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo lagu tuhmay in ay gabbaad u yahay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa laga fuliyay deeganada kala ah Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle,waxaana ujeedku ahaa in la bur-buriyo meelaha ay ku dhuuntaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab  iyo goobaha ay ku diyaariyaan qaraxyada ay ku dhibaateeyaan Ummadda .

Howgalka waxaa hoggaaminayay G/le Suulnuuge Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad ciidanka Xoogga ee Gor-gor  iyo Cabdulaaha Mustaf Cali Madaale Qaran.

Muhiimada howlgalka ayaa ahaa in gabi ahaanba Cadowga laga ciribtiro degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose.