Fallaru kob=Qormo xiiso leh=

1. Somalidu waxa ey yaqaaniin Ciyaar loo yaqaan “Kob Dhood”. Kob ayaa meel la dhigaa, kadibna Fallaar ayaa lagu gamaa. ( F.S:1aad).
Saddax ayey mid noqonee, in ey ku dhacdo kobtii oo ey Kobtu dhacdo, in meel ka sukeyso ey ku dhacdo, ama in ey ka gudubto oo ey dhaafto iyada oo aan ku dhicin.(F.S:2aad).
Somaliduna waxa ey ku maahmaahdaa ( Fallaru Kob ey dhaaftay ma dhaciso ).
Maahmahdaa waxaa loo isticmaalaa in arrin laga soo gudbay oo wakhtigeedii dhamaaday aan Xal laga Raadin. Sida Go’aankii 17 Sept 2020, kaa oo wixii gadaashii dhacay ey Bedelayaan, Xalna aan Noqon karin.
2. Haddana, waxaa la yiri Maalinta Sabtiga ah ee nagu soo fool leh, Golaha Shacabka ayaa ka shirayo arrimaha Dalka. Horta Maalinta Sabtiga waa 1da Bisha MAY, waa Maalinta Shaqaalha Aduunka, waana Feesto Qaran sida Sharcigeenu Qabo. Ma shaqaalahaa Mushaarka loo laba Jibaaraa, mise Mushaar la’aan ayaa looga Tacsiyeeynaa.
3. Adinkaa Xisaabta yaqaane, Haddi 0x0+0 =? Maxeey la mid tahay, Baarlamaan Dhacay oo lagu Dhuftay Madaxweyne Dhacay ee Lagu Daray Go’aan aan Sharci aheeyn oo Hal Gole oo dhacay kaligii soo saaray. maxaa ka dhalan karo.
waxaan Taageeryaa,Nabadda iyo in Sharciga la dhowro.Ma ahan Caqli gal in laguu sheego wax aan jirin Haddana aad iska aaminto, kii ku yiraa war sidani waxa ey ka hor imaanee Sharcigii Dalka ee ummaddu ku heshiisay Adna aad ku tiraa, waad khaldan tahay, adiga oo aan u heeyn wax Caqli gal ah oo aad ku Ciladeeyso, aadna ku doodo “Fallar ayaa Kob ey dhaaftay dhicisay”.
Qaaliga Alla ku siiyay isticmaal.
FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax.
Qore: Yahya Amir