Banaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho.

Banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana lagu taageeray go’aankii ay maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo R/wasaare Rooble ay ugu soo horjeesteen muddo kororsiga ay golaha shacabka u sameeyeen hay’adaha dowlada ayaa xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maray isgoysyada Towfiiq, Fagax, Sanca, xaafada Miiranaayo iyo goobo kale oo ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo kororsi doonimeyo Farmaajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno iyo erayo kale.

Ciidamo milateri ah kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka soo baxay furimaha dagaalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku suganaa goobaha ay ka dhaciyeen banaanbaxyada, iyagoona si weyn u sugayay ammaanka dadka banaanbaxaya.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sheegay in ay diidan yihiin muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo, iyagoona ku baaqay in madaxweynaha uu joojiyo ku xadgudubka sharciga iyo boobka uu ku hayo dalka, waa sida ay hadalka u dhigeen