AMISOM oo looga digay inay ku lug yeelato siyaadaha is diidan ee Soomaaliya.

Qoraal  ka soo baxay Urur Midowga Afrika ayaa Walaac looga muujiyay Xaaladda Amniga ee uu dalku ku jiro xiligan.

African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers from Burundi patrol after fighting between insurgents and government soldiers on the outskirts of Mogadishu May 22, 2012. Fighting erupted outside Somalia’s capital as African Union and government troops launched attacks against al Shabaab insurgents in a push to seize further ground from the rebels, AU officials said on Tuesday. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA – Tags: POLITICS CIVIL UNREST MILITARY) – RTR32GMJ

Midowga Afrika ayaa howl galka AMISOM ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan dhinacyada isdiidan ee isku hayo Siyaasadda Soomaaliya, sida ku xusan warka ka soo baxay Midowga Afrika.

Warka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagusoo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray madaxwaynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaa oo ahaa in uu maalinta sabtiga ah hor tagayo xilibaanada Golaha Shacabka.

Iyadoona sidoo kale lagu wado in xilibaanada ay ka laabtaan mudo kordhintii ay u sameeyeen hay’adaha dowladda si dib loogu noqdo heshiiskii 17’kii September.