Xaaladda magaalada Muqdisho ee saakay iyo khudbadii madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay saqdii dhexe kaddib khudbad ka jeedinayay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in si la isu waafajiyo dedaallada siyaasadeed iyo go’aankii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu laba usbuuc ka hor gaaray uu hortegi doono golahaas.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo baaqyadii ay arrimaha doorashooyinka ka soo saareen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkaystay in dowladdiisa ay marwalba ka go’nayd inay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda oo nabdoon, hasayeeshee arrintaas oo uu tilmaamay inay caqabad ku ahaayeen dad gaar ah iyo dowlado shisheeye, kuwaas oo iskudayay inay dalka xasiloonni darro galiyaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala qeybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha, isagoo dhanka kalana ku baaqay in la joojiyo waxkasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, waxa uuna eed dusha kaga tuuray madax uusan magacaabin.

Xaalka magaalada Muqdisho ayaa saaka ah mid dagan, weriyahayaga magaaladaasi Ibraahim Maxamed Aaden ayaa ka waramaya sida khudbadahaasi kala duwan ay dadku u soo dhaweeyeen iyo sida uu saaka xaalku yahay.