Wararkii ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho:-Sedex qof oo rayida ayaa ku dhintay, todobo kalena way ku dhaawacmeen qarax laga soo buuxiyey gaari oo saakay ka dhacay albaabka hore ee taliska guud ee ciidamada Asluubta oo u dhaw isgoyska Ex-Control Afgooye.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaarahaas ka dhashay qaraxa saakay ka dhacay koonfurta magaalada Muqdisho.

Dadka rayidka ah ee dhintay ama dhaawacmay ayaa marayay wadada hormarta xarunta ciidamada Asluubta xilligii uu qaraxaasi dhacayay.

Illaa hadda ma cadda haddii uu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Asluubta ee dagan xarunta la weeraray saakay.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka soo saaraan khasaaraha qaraxaas.