Mareykanka ma wuxuu hor istaagayaa in Kenya ay dib u celiso qaxootiga?

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay Kenya ka caawiso sidii ay u sii wadi lahayd marti galinta qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya uu Mareykanka siiyay Kenya lacag dhan $106 milyan oo doolar, taasoo qeyb ka ah dhaqaalaha lagu bixiyo qaabilidda dadka magangalyo doonka ah.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay dhawaan Kenya ku dhawaaqday inay albaabbada isugu dhufaneyso xeryaha dhadhaab iyo Kaakuma oo hoy u ah boqollaal kun oo kasoo barakacay colaadaha waddamo ka tirsan Afrika.

“Xuquuqda bani’aadanka waa muhiimadda koowaad ee siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu adeegsado. Mareykanku wuxuu bixiyay ku dhawaad $106 milyan si loogu ilaaliyo qaxootiga laguna gargaaro howlaha bani’aadannimada taasoo uu ku caawiyay Kenya maadaama ay hoggaamiso dalalka gobolka ee martigaliya qaxootiga iyo magangalyo doonka kasoo jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Itoobiya iyo meelo kale.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ee Kenya, Fred Matiang’i ayaa shaaciyay qorshaha ay dowladdiisu ku dooneyso in si deg deg ah ku xirto xeryahaas kaddib markii uu sheegay in ay halis ku yihiin amniga waddankiisa.

Hase yeeshee Mareykanka ayaa sheegay in uu Kenya gacan ka siiyo dhinaca amniga, sanad walbana uu ku taageero lacag dhan $17 milyan si loogu bixiyo howlaha la dagaallanka argagixisada. Lacag kale oo gaareysa $1 milyan ayuu Mareykanku sheegay inuu sanad kasta Kenya u siiyo si ay ugu kabto dhaqaalaha ku baxa tababarista iyo wax baridda ciidamadeeda difaaca.

.

Horaantii bishii April, Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin ay uga soo hor jeedsatay go’aanka ay dowladda Kenya ee ka dhanka ah xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.

Amnesty ayaa ka digtay in tallaabadaas ay dowladdu ku dhaqaaqdo waxayna sheegtay in ay tahay arrin khilaafsan xeerka adduunka, ayna masiibo bani’aadannimo ka dhalan karto xilligan oo uu caalamku la daalaa dhacayo saameynta cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Waxay hay’addu sheegtay inaan wax caddeymo ah loo heynin sheegashada Kenya ee ku aaddan in qaxootiga ay halis ku yihiin amniga, in dib loo celiyana ay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah.

Maxkamad dib u dhigtay xiritaanka xeryaha qaxootiga

Maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah u hor istaagaya tallaabada ay dowladda Kenya dib ugu celineyso qaxootiga iyo magangalyo doonka ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Kids in Dadaab

Telefishinka maxalliga ah ee NTV ayaa tabiyay in labo maar oo kasoo baxay garsoorka maxkamadda lagu joojiyay dib u celinta, kuwaasoo taagnaan doona ilaa 7-da bisha July oo ku aaddan marka kiiska dib loo dhageysanayo oo amarro kale ay soo baxayaan.

Garsoore Anthony Mrima ayaa soo saaray amarrada kaddib markii maxkamadda ay dacwad u gudbiyeen kooxda u doodda xuquuqda aanaha ee lagu magacaabo Kituo Cha Sheria.

24-kii bishii March ee sanadkan ayay Kenya muddo labo isbuuc ah u qabatay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR in ay soo gudbiso qorshe ku aaddan sidii loo xiri lahaa labada xero, waxayna meesha ka saartay wax fursad ah oo oggolaaneysa in laga wada xaajoodo.

Labada xero ee ay dowladda Kenya ku hanjabtay inay baabi’ineyso waxaa ku nool dad gaaraya 430,000 oo u badan Soomaali, balse waxaa ku jira kuwo kale oo u dhashay dalal kale oo daris la ah Kenya sida Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.

Xigasho:BBCSomali