Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qalalaasahii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo eedeyn u soo jeediyay Dowlad Soomaaliya.

Madaxweyne, Biixi waxa uu sheegay inay shacabka Somaliland damqanayaan dhibaatada iyo qaxa shacabka Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ku eedeeyay dhacdooyinkaasi.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.” Ayuu yiri madaxweyne Biixi

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray shacabka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay  dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay ku jiraan ay iyagu ku jireen soddonkii sanno ee la soo dhaafay.

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.”