La isma weeydiin. =Warbixin Xiiso leh=

Xagga fiiri, Xagaana fiiri, Siyaasiga mucaaradka ah iyo Shacaboow ha noqonina, kuwo Rikoorka Cajalkii loo galiyaba heesta looga shido ku ciyaaro.
Is weeydii 12 su’aal.
1. Ciidamadu Xeryahooda ha ku noqdeen.
La isma weeydiin.
Markii hore maxaa ka soo saaray Xeryahoodii ?.
Ka soo bixitaanku faa’iidada uu keenay waxaa ka mid ah ka noqoshada go’aanka Muddo kororsiga . Haddey ku noqdaan soow loo aqoonsan maayo Dambiilayaal Amar diido sameeyay, isku day Afgambi, Ciidama kale ayaa la hor dhigi doonaa, si eyna u soo bixin mar kale, loona kala fur furo, waxa ey ka gadoodi doonaan Bishaan mushaar la’aan ey ku khasban yihiin.
2. Afar Sanno ka hor markii Doorshadu dheceeysay Masuuliyiintii joogtay Magaalda Nabad ayeey ka dhigeen.
La isma weydiin.
Hadda Masuuliyiinta joogto maxaa ku khasbay in Magaalada laga qaxo.
3. Ciidamadii Shalay u dhamqaday Dadka ee diiday in ey fulyaan Amar aan sharciga waafaqsaneeyn, ee Saldhigyada ka soo baxay, iyo kuwii la yiri, Darajadii Ciidan waa laga qaaday.
La isma weydiin
Xilkoodii iyo Saldhigyadoodii ma ku noqonayaan mise waa la maxkamadeynaa.
4. Haddii Teendhadii lagu noqdo ee la yiraa waxaa shirayo oo kaliya, Dowladii dhacday iyo 5tii Maamul Gobal oo kaliya sida uu qabo heshiiskii 17 Sept.
la isma weydiin.
Mucaaradku maxey Dadka u sheegi doonaan. Dadka yaa ku dhax matalayo Teendhada, ma isla kuwii Shalayba Diiday in Dadka ey matalaan Arragtidooda ey gudbiyaan.
5. Dadkii Caawa la qixiyay oo Anigaba qoyskeeyga qaar ey caawa qax ku maqan yihiin.
la isma weydiin.
Yaa Reer Yaxye qixiyay iyo qooysaska kaleba.
6. Raggii Amray in la weeraro Hotel Ma’ida iyo Gurihii Madaxda ee Dadka ku laayay iyo Hantii Dadweeyne ee la boobi jiray.
la isma weeydiin.
Raggaasi, Dambiilayaal Dad dilay miyaa, mise waa la dalacsiinayaa.
7. Masuuliyiintii Hore ee Baarlamaanka ee u sababta noqday Colaadaan, Markii ey sharciga ka hor yimideen.
La isma weydiin.
Ma Dambiilayaal qaranaa mise weli waa Baarlamaan Sharci dajin karo.
8. Golihii Wasiirada iyo Raisul wasaarihii wakhtigoodu dhamaaday ee loo isticmaalay in ey hor boodaan Dhibaatada Dadka, Sharcigana ku tuntaan.
la isma weeydiin
Ma isla iyagii ayaa Mas’uuliyadda sii wadayo, mise masuuliyad wadareed raali la isaga yahay ayaa la wadaagee go’aanada, bacdamaa ey Hore u fashilmeen oo aan lagu Aamini karin Xil gaarsiin.
9. Hantidii Dekadda,Airporka, Suuqyada iyo Gooba kaleba laga qaaday ee isla kuwii laga qaaday lagu gumaaday.
la isma weeydiin
Ma isla kuwii Xoolaha Qaranka u isticmaali jiray in ey Isla Dadkii laga qaaday ku dhibaan, qaarna ey caruurtooda Dibadda joogto ku Biishaan ,ayaa weli lagu Aaminayaa.
10. Muqdishu waa magaalo, Dadka degan eyna shaqo ku leheeyn Maamulkeeda. Dad dibad joog ah , Caruurtooduna ey dibadda dugsiyo uga dhiibanayaan, xaasaskoodiina ey ku jiraan ceymis caafimaad ayaa Talada u hayo, madaxdaasi kulama qabaan wel welka wax barasho iyo caafimaad. ma haboonoo in mid caruur iyo xaas ey ka joogaan Magaalada, oo aad adigu dooratay oo aad la xisaabtami karto in aad xilka u dhiibato iyo Golo maamul deegaan oo aad aamini karto.
la isma weeydiin
Muqdishu, haddii Dad iyadu ey doortay oo u damqanayo ey dooran leheeyd waa lala xisaabtami lahaa.waana horuumari laheyd iyada oo nabad ah sida Magaalooyinka kale.
11.Labada Maamul Gobaleed, waxa ey dheheen oo kaliya waxaan diidnay Muddo kororsiga oo kaliya.
la isma weeydiin.
Muddo kororsigaan horeba Sharci uma aheyn, Caalamka oo dhan ayaana Diiday, ee ma ka soo hareen Rajiimkii dhacay oo ey ku taageeri jireen fikradaha ka soo hor jeeda Rabitaanka Shacabka ey sheeganayaan in ey mataan, Barakicinta Dadkooda iyo Matalaad la’aanta Dadkooda oo aan loo ogolaan Goobaha go’aanada.
12. Su’aalaha kale ee Laabtaada ku jiro oo haddii aan la isweeydiin, ey muuqato in nabarka Dusha laga dhayay uuna soo gucan doono maxaa ka mid ah? ku dar Adigu.
Iyada oo aan laga heshiin oo aan go’aan meel laga dhigan Arrimahaa, si laab la kac ah Siyaasiga Mucaaradka sheeganayo ee isaga oo dantiisa gaarka ah fiirinayo si fudud u taageero, isaguna waa dhoohane aan meel fog wax ka fiirin.
FG: waa aragti qofeed, wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir