Guriga Madaxweynaha Galmudug oo uu ka socdo kulan kulmiyay Mucaraadka iyo Ra’iisul Wasaaraha.+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta mucaaradka, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib khalalaasihii dhawaan dhacay.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka ka jira doorashooyinka dalka iyo sidii looga hortagi lahaa in dalka uu galo khalkhal amni, islamarkaana heshiis rasmi ah looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wada dadaalo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada isku haya siyaasada dalka, islamarkaana ay dalka u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhanka kale lama oga waxa ka soo bixi doono kulanka u socda R/wasaare Rooble iyo mucaaradka.