Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shir deg deg isugu yeeray xildhibaannada golaha shacabka.

Xidhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta sabtiga ah ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si uu ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa isugu yeeray Xildhibaanada Maalinta Sabtida ah ee soo socota oo ku beegan 1 Bisha May Maalinta Shaqaale weynaha Adduunka.

Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan talaabada ay muddo kordhinta u sameeyeen madaxweyne Farmaajo, kadib markii si kulul looga horyimid muddo kororsiga, iyadoona arrintan ay ka dhalatay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dagaal u dhexeeyay ciidamada DFS iyo ciidamo ka soo horjeeda muddo kordhinta.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa kadib markii Madaxweynaha Waqtigu ka idlaaday uu jeediyay hadal la xiriirtay Arrimaha Doorashooyinka.