QM oo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay dib ugu laabtaan miiska Wadahadalka.

NEW YORK:-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghaya ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka tanaasulaan tallaabooyinka rabshadaha iyo colaadda huwan.

“Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xoghayaha ayaa sidoo kale hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ku boorriyay in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka taas beddelkeedana ay dib ugu laabtaan miiska wadaxaajoodyada.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”

Hadalka Xoghayaha ayaa falcelin u ah iska hor imaadyo Muqdisho ka dhacay kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwo ka amar qaata mucaaradka.

Colaadaha ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa salka ku haya doorashooyinkaa dalka oo ku qabsoomi waayay xoilligoodii iyo sidoo kale Dowladda Federaalka oo samaysatay muddo kororsi laba sano ah oo ay ka biyo diideen mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka.