Midowgaa Musharixiinta oo taageeray go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle.

Hogaamiyayaasha mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka ay maamullada Galmudug iyo Hirshabelle uga soo horjeesteen muddo kordhinta uu Golaha Shacabka dhawaan u sameeyay hay’adaha dowladda.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku qoray inuu si buuxda u ayidsan yahay go’aanka.

“Waxaan si buuxda u soo dhaweynayaa go’aanka Hirshabeelle, Galmudug iyo Ra’iisulwasaaraha ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka. Waxaan leeyahay waa go’aan dhiiranaan iyo geesinnimo dugsan ee guuleysta”, ayuu sheegay Xasan Sheekh.

Madaxweynihii ka horreeyay ee Sharif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in go’aankan uu yahay mid taariikhi ah.

“Waxaan uga mahad celinaynaa madaxda Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle inay nala qaateen talooyinkii iyo xaldoonkii aan in muddo ahba u jeedinaynay, waana go’aan taariikhiya oo loo qaaday dariiqa saxda ah ee dowlad dhiska Soomaaliya”, ayuu yiri Sharif.