Maraykanka oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo tallaabada uu qaadi doono.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa dowladda Federaalka iyo Mucaaradkaba ugu baaqay inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaaf ka dhashay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka iyo wax kasta oo u baahan xal.

“Mareykanku wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda.”

Dhanka kale war-saxaadeedka ayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ku xustay inay diyaar u yihiin inay tixgaliyaan dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddi-daadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

” Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”