Farmaajo oo caawa jeedinaaya khudbad uu uga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Muqdisho:-Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu caawa jeedi doono khudbad uu uga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa galabta si cad uga soo hor jeestay mudo kororsigii loo sameeyey Madaxweynaha iyo baarlamanka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa isna taageeray go’aankaas, waxuuna sheegay in xukuumadiisa ay dalka ka qaban doonto doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii September.