Fanaanad Xareedo Ismaaciil Duniyo oo geeriyootay

Waxaa dalka Britain ku geeriyootay Alle ha u naxariistee fanaanad Xareedo Ismaaciil Cabdi (Duniyo), oo ka mid ahayd hoballadii Waaberi.

Waxay ku caan-baxday Heeso hirgalay oo ay ka mid yihiin: Nin Xilqaaday Eed qaad ee ay wada qaadeen marxuum Cabdi Cali Bacalwaan oo dabayaaqadii sanadkii hore ku geeriyooday Jarmalka.

Sidoo kale waxay caan ku ahayd riwaayadaha oo waxaa lagu xusuustaa “Xuudbaa liqay Jaceylkii” oo todobaatameeyadii ay ka qeyb qaadatay.