Barakac baahsan oo ka bilowday xaafado ku yaala degmada Hodan.

Qaar ka mid dadka ku nool Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee gobolka banaadir ayaa bilaabay inay ka Barakacaan guryahooda,iyagoo ka cabsi qaba in korkooda lagu duldagaalamo.

Waxaa la arkayay Hooyooyin iyo Carruur iyagoo korka ku sita Alaab yar oo ay ka qaateen guryahooda oo Nabad ay ku daganaayeen wixii ka horeeyay 24kii saac ee la soo dhaafay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo ka soo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo ay fariisamo ka sameysteen Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.

Qaar ka mid ah dadka aroortii hore ka barakacay ayaa sheegay in jawi cabsi ah laga dareemayo xaafadahooda, waxay sheegeen in xaafadaha ay deganaayeen dhufeysyo laga sameystay

Aaggaga dhufeysyada laga qoday waxa kamid ah xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Cabdicasiis, waxana lagu arkayaa rag aad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Dad badan oo ka barakacay guryahoda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo.