Sare u kac ku yimid kharashaadka lagu bixiyo milatariga adduunka.

Cilmi baarayaal ku sugan Sweden ayaa waxay sheegeen in wadarta qarashka ku baxa militariga adduunka ay kor u kacday ku dhowaad labo tiriliyan oo dollar sanadkii la soo dhaafay, in kasta oo uu fayraska corona dunida dhibaateeyay.

Sare u kacaan boqolkiiba 2.6-da ah ayaa yimid xilli ay dunida wajahaysay hoos u dhac dhaqaale oo aad u daran.

Waddamada qaarkood, sida Chile iyo Kuuriyada Koofureed, waxay lacagihii loogu talagalay in lagu xakameeyo fayraska corona ay u weeciyeen maal gelinta milatariga.

Halka dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika uu kharashaadka miltaraiga kordhiyeen saddex-dhibic- afar boqolkiiba oo u dhiganta in ka badan siddeed iyo toban bilyan oo doolar.

Machadka Cilmibaarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm wuxuu daaha ka rogayaa shanta dal ee ugu badan ee qarash garaynaya milatariga kuwaasi oo kala ah Mareykanka, Shiinaha, Hindiya, Ruushka iyo Ingiriiska.

Kharashka militariga Mareykanka wuxuu kordhayaa sanadkii seddexaad oo xiriir ah, halka kharashka milatariga Shiinaha uu kordhayay sannad kasta oo ka mid ah lix iyo labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.