QM oo walaac ka muujisay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Bahda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyada saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

War ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.”