Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee tan iyo shalay ka dhacay Muqdisho.

Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay Waxaan halkan si kooban idin kugu so gudbineynaa sida ay wax u dhaceen tan iyo shalay.

  • Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi.
  • Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda.
  • Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo amray in ciidammada ammaanka ay howshooda qaran gutaan.
  • Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa beeniyay in weerar lagu qaaday Xasan Sheekh isla markaana aysan suurtagal ahayn in la weeraro maadaama buu yiri ay ilaaliyaan ciidamada dowladda.
  • Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in saddex mar ay dowladda soo weerartay.
  • Xasan Sheekh oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ciidamada dowladda federaalka ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaadeen.
  • Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareeyay weerar ay sheegene in lagu qaaday Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.
  • Dowladda ayaa beenisay inay werar ku qaaday msuuliyiintaasi.
  • Gelinkii dambe ee shalay waxa uu dagaalka xooggan ka dhacay deegaanka Mirinaayo oo ka tirsan degmada Cabdicasiis, halkaasi oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
  • isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho oo shalay uu ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo go’aankii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameeyay hay’adaha dawladda federaalka.