Ciidamada Puntland oo howlgal ku qabtay Bambaanooyin.

Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeenduleedka magaalad Boosaaso ee Xsrunta Gobolka Bari.

Saraakiisha howlgalka horkaceysa ayaa waxaa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen qeyb ka mid ah Kaydka walxaha qarxa oo ay leeyihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Ciidamada oo ku guda jira howlgaladooda joogtada ah, waxay duleedka Boosaaso ka heleen God ay  Al-Shabaab ku keydsatay walxaha qarxa, ayna qarxiyeen miino aagaasi ku jirtay, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen tiro bamka gacanta laga tuuro ah iyo walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Ugu dambeyn Laamaha amniga Puntland ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka iyo shacabka Puntland sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada heeganka u taagan iyo ka shaqeynta amniga.

Howlgalka Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli weli Ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ka dhan ah Xubnihii Al-Shabaab ee kal hore weeraray Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.