Xasan Sheekh “Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata Farmaajo inay weerar ku soo qaadaan hoygeyga..”

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul uga hadlay weerar galabta ay hoygiisa kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Dhanka kale Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale sheegay in la iska difaaci doono Ciidanka weerarka kusoo qaaday ayna tahay nasiib daro weyn.