Nabadoon caan ahaa oo Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho:-Koox ku hubeysan bastoolado ayaa galabta Nabadoonka Cabdullaahi Ciise Hilowle ku dishay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacanka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Dad ku sugnaa goobta uu dilkaasi ka dhacay aya u sheegay Warbaahinta in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo Nabadonka lagu dilay. Manajirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle.