Muqdisho oo Rasaas xoog leh laga maqlaayo iyo Qax ka bilowday Xaafadaha qaar.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya iho kuwa Millateriga ee Maanta la wareegay Isgoyska Fagax ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid  kadib markii Ciidamo Millateri ah oo ka tegay dhinaca Isgoyska Fagax ay tageen Isgoyska Sanca, waxaana dadka ku sigan Sanca ay sheegayaan in weli rasaas goos goos ah la maqlayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daarayaan in dadka ku nool Xaafadaha Sanca, Siisi iyo Sanca ay bilaabeen inay barakacaan, iyaga oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho hadii uu xoogeysto dagaalka.