Guddoomiyihii deegaanka Leego oo Xalay lagu dilay Bambooyin lagu weeraray.

Wanlaweyn:-Wararka aan ka heleyno degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in weerar xalay ka dhacay lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego oo magaciisa lagu soo koobay Gucdur.

Koox ku hubeysan Bambo-gacmeedyo ayaa la sheegay in guddoomiyaha ay ku weerartay guri uu ka deganaa degmada Wanllaweyn, waxaana halkaas ku dhaawacmay laba askari oo kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa saxaafadda u xaqiijiyey geerida guddoomiyaha iyo dhaawacyada askarta kale, waxaana isla xalay magaalada ka bilaawday howlgallo ka dhan kooxdii fulisay weerarkaas.