Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga kana soo horjeeda mudo kororsiga Dowladda oo soo gaaray W/Muqdisho.

Muqdisho:-Duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa xalay soo dhoobtay cutubyo ka tirsan ciidamada Militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ka gadoodsan muda kororsiga hey’adaha dowladda federaalka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka soo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana tan iyo xalay socday dadaallo lagu doonayo in dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen, waxaana arrintaas ku howlan saraakiisha ugu sareysa militeriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan uu ka dalbaday in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo baxeen, hase yeeshee ay taasi ka biya diideen.

Danka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya, in saraakiisha ciidamadan ay maanta qorsheynayaan inay warbaahinta la hadlaan, si nay u shaaciyaan u jedkooda.