Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mucaardka Taageersan oo Dagaal culus isku haya Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo hubeysan oo ka soo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu si gaar ah ugu soconaya qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed.

Rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa meelo ka baxsan degmada, iyadoo ay ka qeybqaadanayaan gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale dagaal ayaa maanta waxaa uu ka dhacay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kacsan, waxaana lamaqlayaa dhawaqa Madaafiicda iyo Hubka culus.