Banaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho.

Banaanbax looga soo horjeedo muddo kororsiga ay golaha shacabka u sameeyeen hay’adaha dowlada ayaa ka socda isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay bartamaha Isgoyska, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo kororsi doonimeyo Farmaajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno iyo erayo kale.

Ciidamo milateri ah kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka soo baxay furimaha dagaalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku sugan Isgoyska kuwaasoo la sheegay inay sugayaan ammaanka dadka banaanbaxaya

Ciidamada oo xalay soo gaaray Waqooyiga Muqdisho ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen Isgoysyo muhiim ah waxaana hoggaaminaya sida la sheegay saraakiil ka biyo diidan muddo korarsiga dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo